32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Sawirro: Wasiirka gaashandhiga cusub oo yimid Xamar iyo Dhagabadan oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somalia soo gaaray wafdi uu Hogaaminaayo Wasiirka Gaashandhiga Xukuumada Somalia ee magacaaban Generaal C/qaadir Sheikh Cali Diini.

Wafdiga wasiirka la socday ayaa waxaa kamid ahaa Abaan-duulihii hore ee ciidamada xooga dalka Generaal C/kariin Yuusuf Dhegabadan, iyadoona ay garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyen Wasiiro, wasiiro ku-xigeeno iyo Xildhibaano ka tirsan BF Somalia.

Diini, ayaa waxa uu kamid ahaa Wasiiradii ugu dambeeyay ee dhawaan uu magacaabay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, waxaana la sheegayaa in imaanshihiisa uu yahay mid ku saleysan u diyaar garow lagu doonaayo in Wasiirada cusub lagu horgeeyo BF Somalia.

Dhanka kale, Wasiir Generaal C/qaadir Sheikh Cali Diini, ayaa waxa uu horay u soo noday taliyihii Ciidamada Xooga dalka Dowladii KMG ahayd uu hogaaminayay madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed.

1 2 3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News