25.4 C
Mogadishu
Wednesday, July 2, 2025

Sawirro: Waxaa la dilay hogaamiyihii Al-Qacida…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo taabacsanaa Dowlada Russia ayaa dilay Amiirkii Al-qaacida Imaarada Islaamiga Qowqaaz ee lagu magacaabi jiray Abuu Cuthmaan Al-Qiiraawi.

Dagaal dhexmaray Ciidamada iyo Maleeshiyaadka Hogaamiyaha taabacsanaa ayaa waxa uu markii danbe sababay geerida Hogaamiyaha.

Hogaamiyaha ayaa waxaa lala dilay Maleeshiyaad isaga taabacsanaa oo xiligaasi ku sugnaa deegaan lagu magacaabo Qiimri oo hoos taga gobolka Daaqistaan.

Geerida Hogaamiyahaasi taabacsanaa Al-qacida ayaa waxaa lagu xaqiijiyay Baraha bulshada ee Kooxdaasi, waxaana lagu sheegay in dilka Hogaamiyaha uu ahaa mid la fududeeyay.

Sheekh Abuu Cuthmaan ayaa talada Imaarada Islaamiga ah qabtey afar bilood ka hor, kadib markii uu dhinta amiirkii hore ee Imaarada Qowqaaz Abuu Muxamed Ad-Daaqistaani, kadib marki isna guri uu ku sugnaa ay Isweer ka qabteen.

1

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News