“Doorashada madaxweynaha way dhaceysaa, oo sharci baan u leenahay kuwa Xamar Joogana…”

Kismaayo (Caasimada Online) – Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Jubba Sheikh Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay khilaafka kala dhaxeeyo dowlada Soomaaliya iyo maamulka Jubba saameynta uu ku yeelan karo doorashada dhawaan la filayo iney ka dhacdo Kismaayo.

Gudoomiyaha baarlamaanka mamaulka Jubba ayaa sheegay in wax saameyn ah uusan ku yeelan doonin doorashada Kismaayo khilaafka u dhaxeeyo dowlada Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Jubba.

Sheikh Cabdi, ayaa sheegay in baarlamaanka maamulka Jubba uu yahay mid sharci ku dhisan oo aysan ku laaban doonin dhismahiisa, laakiin xildhibaanada Muqdisho ay yihiin kuwo aysan dhag jalaq u siin doonin, sida uu hadalka u dhigay.

“Anna waxaan nahay dad sharci ku dhisan, marnaba joojin meyno qorshaha doorashada, kuwa Xamar ka qeylinaya uma joogsaneyno”ayuu yiri gudoomiyaha baarlamaanka JUbbaland.

Dowlada Soomaaliya gaar ahaan baarlamaanka federaalka ayaa sharci daro ka dhigay soo xulista xubnaha baarlamaanka maamulka Jubba kadib mooshin laga geeyay baarlamaankaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com