XOG: Mooshinka XASAN oo soo laba kacleeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ilo xog ogaal ah inoo xaqiijiyeen waxaa dib usoo laba kacleeyay qorshaha xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ay doonayaan iney xilka uga qaadaan madaxweyne Xasan Sheekh.

Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in xildhibaano badan oo is abaabulay ay wadaan qorshe  mooshin kaga keenayaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Xildhibaanada oo dhawaanahaan waday mooshinkaasi oo kale ayaa dhaqaalo badan lagu kala furfuray laakiin iminka ayaa waxay u muuqdaan kuwo doonaya iney mooshin ka geeyay golaha shacaba madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Ku dhawaad 100 xildhibaan ayaa iminka wada qorshaha ku aadan iney mooshin ka geeyaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Sida xogta aan ku heleyno xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa muddo bilooyin ah qaadan wax mushaaraad ah, waxayna doonayaan iney dhaqaalahaan ku dabaraan deymo badan oo lagu leeyahay.

Xildhibaan Kulalihi oo dhawaan ka hor hadlayay baarlamaanka Soomaaliya ayaa si cad u sheegay iney jiraan xildhibaano dhaqaalo badan ku helnay xildhibaanimada oo donaya iney dhaqaalo helaan, laakiin aysan wax shaqo ah u qaban shacabka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com