Daawo Sawirrada: QM oo tababar aan horay loo arag usoo xiray saraakiil ka tirsan ciidamada DF

Muqdisho (Caasimada Online)-Saraakiil ka tirsan Hay’adda UNSOM, ayaa tababar usoo xiray Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowlada gaar ahaan kuwa Asluubta.

Saraakiisha tababarka loo soo xiray ayaa waxaa wax laga baray shuruucda Ciidamada, dhaqanka, asluubta, tacaamulka iyo shuruucyo kale.

Tababarka ayaa waxaa hirgelisay xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Somalia (UNSOM), waxa ayna Saraakiisha Xafiiska sheegen in tababarkaani uu waxbadan ka caawin doono Saraakiisha Ciidamada Asluubta, waxa ayna cadeeyen in waxbadan uu ka duwan yahay tababaradii hore.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
1

2

3

4

5

6

7

8

9