Saraakiil Somaliland ah oo toogasho lagu dilay.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland, ayaa sheegaya in Askari ka tirsan Ciidanka Maamulka uu goordhow toogasho ku dilay laba Sargaal Ciidan.

Saraakiisha la dilay ayaa waxaa lagu kala sheegay magacyadooda Gaashaanle sare Xasan Caqli oo ahaa Taliyihii Aagga galbeed ee Ciidanka Militariga Somaliland iyo Faarax Carraale oo ahaa Xidigle.

Dilka kadib ayaa waxa uu Askariga falkaasi geystay isku dayay inuu goobta ka baxsado, balse waxaa durbadiiba qabtay Ciidamada Maamulka oo markii danbe xiray.

Dilalka ceynkaani ah ayaa waxa uu baryahaani danbe kusoo badanaayay Deegaanada Maamulka Somaliland, waxaana inta badan fuliya dilalkaasi Ciidamada Maamulka.

Saraakiisha Maamulka ayaa sheegay in Askarigaani lasoo taagi doono Maxkamad, islamarkaana lagu fulin doono xukunka uga soo baxo Maxkamada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com