Madaxweyne Xasan oo beesha caalamka u diray fariin ka careysiisay SOMALILAND iyo Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa farriin culus oo si weyn uga careysiisay maamulada Somaliland iyo Puntland u diray Beesha caalamka, isagoo sheegay in xaaladii Soomaaliya ay is bedeshay oo beesha caalamlka looga baahan yahay inay dib ugu noqdaan sidii ay Soomaaliya u kala qeybin jireen.

“Haddii markii hore Soomaaliya loo qeybin jiray Somaliland, Puntland iyo South central Somalia, hadda waaqicaas waa is bedelay, Beesha caalamka waa inay tixgelisaa Soomaaliyada cusub ee Somaliland, Puntland,  Galmudug, Jubba, Koonfur Galbeed iyo Banaadir” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay munaasabad lagu saxiixay heshiis maamul loogu dhisayo gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Dowladda Federaalka ayaa horeba u bilowday in lix qeybood u qeybiyo mucaawinada ku timaada magaca dowladda sida deeqaha waxbarashada, waxaana arrintan ay dhibaato weyn ku noqoneysaa maamulada Puntland iyo Somaliland oo in ka badan 15 sanadood qaadan jiray qeyb la siman inta loo qoondeeyo goboladda Koonfurta oo dhan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com