Waxaa is-casilay gudoomiyihii maxkamada sare..

Muqisho (Caasimada Online) – Sheekh Axmed Sheekh Yuusuf oo ahaa Gudoomiyihii Maxkamada sare ee Maamulka Galmudug, ayaa shaaciyay inuu iska casilay xalka.

Sheekh Axmed, ayaa sheegay in xili hore uu Istiqaaladiisa u gudbiyay Hogaamiyihii hore ee Galmudug Cabdi qeybdiid, balse uusan jawaab ka helin iminka uu go’aansaday inuu iska casilo xilka Gudoomiyenimo.

Waxa uu sheegay in ujeedka uu is casilaadiisa u soo bandhigaayo ay tahay mid uu ku ogeysiinaayo shacabka Gaalkacyo si ay ula socdaan xaalada.

Sheekh Axmed ayaa is casilaadiisa ku saleeyay isbedelka dhanka Maamulka ah ee Galmudugta cusub iyo tii hore waxaana uu sheegay in uu la shaqeeynayay Galmudugtii uu Cabdi Qeybdiid Madaxweynaha ka ahaa.

Waxaa uu intaa ku daray in uu maamulka Galmudug ee dhawaan la dhisay uusan u malayn in uu kursigaasi isaga iska heysto sidaa darteedna uu muujiyo in ay u madaxbanaan yihiin magacaabashada Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Galmudug.

Geesta kale, Sheekh Axmed ayaa hadalkiisa intaa raaciyay in dadku aanay ku soo lug go’in Maxkamada uu isaga Gudoomiye ka yahay.

Maamulka Galmudug weli kama uusan jawaabin go’aanka uu qaatay Gudoomiyihii Maxkamadii sare ee Galmudugtii Cabdi qeybdiid.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com