Gaas: Lacagtii DF waxaa la isugu geeyey Cadado

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa wuxuu Dowladda Federalka Somaliya uu ku eedeeyay inay dhaqaalo badan ku bixisay Dhismaha Maamulka Galmudug.

Madaxweynaha wuxuu sheegay inay Dowladda u kala eexatay Maamulada Galmudug iyo Jubbaland, isagoo intaa ku daray inay Galmudug u taageertay, si aynaan u taageerin Dhismaha Jubbaland.

Waxa uu soo hadalqaaday in si dhib badan lagu dhisay Maamulka Jubbaland, iyadoo uu Dowladdu ku eedeeyay inay hub isugu dhiibtay dadka degga Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, si loogu carqaladeeyo Dhismaha Jubbaland, sida uu yiri.

Wuxuu ku celceliyay Dowladdu inay taageero dhinac kastaba leh u muujisay Maamulka uu Madaxweynaha ka yahay C/kariin Xuseen Guuleed, bedelkii ay ka gaabisay taageerada Maamulka uu hormuudka ka yahay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

C/weli Maxamed Cali oo la hadlay Golaha 88, ayaa Dowladda Madaxweyne Xasan ugu baaqay inay ilaaliso ku dhaqanka Dastuurka Qabyo Qoraalka, si dalka iyo dadka loogu haggo dhabaha saxda ah.

C/weli Gaas oo hadalkiisa sii wata waxa uu qeexay inay muhiim tahay ku dhaqanka Cadaaladda iyo Sinnaanta, lagana fogaado nin jecleysiga, oo uu muujiyay inay caqabad ku tahay horumarka Nidaamka Federalismka.

Maamulka Gaas, ayaa dhawaan cilaaqaadkii u jaray Dowladda Federalka Somaliya, ka gadaal markii ay ku dhaliileen inay xagal daacin ku hayso dhulka Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com