Ahlu-Sunna oo soo saartay 4 qodob oo ay kaga gaashamaneyso weerar kaga imaada DF Somalia

Muqisho (Caasimada Online) – Kullan ka dhacay Degmada Caabudwaaq oo u dhexeeyay Maamulka, Odayaasha iyo Waxgaradka ayaa waxaa lagu wada gaaray go’aan lidi ku ah Hubka lala galo Degmada.

Dhinacyada uu kullanka u dhexeeyay ayaa waxay isku afgarteen inaan wax hub ah la soo gelin karin Magaalada Caabudwaaq, laguna qaadan karin.

Kullankaani oo muddooyinkaani ay gogoshiisu tiilay Degmada ayaa iminka lasoo gabagabeeyay, iyadoona dhinacyada ay kasoo saaren qodobo.

Gabagabadii shirka waxaa laga soo saaray qodobo, kuwaa oo lagu adkeynaayay in laga hortaggo hubka sharci darada ah, in lala soo galo Degmadaasi.

Haddaba Qodobada laga soo saaray kullanka ayaa waxaa kamid ahaa:

1-Inaan hub lala soo geli karin, laguna qaadan karin Magaalada Caabudwaaq, iyadoo aan Maamulka lagu soo wargelin

2-In qofkii hub lagu arkaa isagoo ku dhex wata Magaalada laga qaado, laguna ganaaxo lacag dhan boqol dollar

3-In halmeel looga soo wada jeesto cidii lagu arko, iyadoo hub soo gelinaysa Magaalada

4-In dadka imaanaaya Magaalada ay amnigoodu ka mas’uul yihiin Ciidamada, hubkooduna looga soo reebo banaanka Magaalada.

Dhanka kale, kullankaani ayaa waxa uu imaanayaa, iyadoo maalinimadii Axadii Maamulka Ahlu Suna uu Dowladda Somalia ku eedeysay inay hub u daabushay Magaalada Cadaado, si ay ugu weerarto dhulka ay ka arrimiyan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com