XOG CUSUB: Britain oo wadda qorsho cusub oo aysan jecleysan dowlada federaalka SOMALIA.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakaalada Ecofn Agency ayaa daabacday warbixin ay ku muujineyso in Dowlada Britain ay dhawaan sahmin Shidaal ka bilaabi doonto Xeebaha W/galbeed ee Somalia.

Sahminta ayaa waxaa sameyn doona Shirkada Genel Energy ee khibrad u leh baaritaanka Shidaalka, waxa uuna baaritaankeeda ka fuli doonaa Degmada Ood-weyne.

Xarunta weyn ee Shirkada ayaa ku taalla Magaalladda Jersey, waxa ayna ka diiwaan gishantahay Dowlada Britain oo iyadu ay leeyihiin ganacsatadeeda.

Shirkadda Genel Energy ayaa la filayaa inay qaataan Qandaraas Sahmin ah oo laga fulinayo Degmadda Ood-weyne, iyadoo saami ahaan u qaadan doonto 50%, sida qoraalka Wakaalada lagu xusay.

Qoraal ay soo bandhigtay Shirkada Genel Energy, ayaa waxaa lagu sheegay inay danaynayaan Qandaraaska Somaliland, kadib, markii ay Shirkadda hakisay Hawlgalo baaritaan shidaal oo ay ka wadeen meel ka baxsan Xeebaha dalka Morooko.

Qandaraaska ay shirkadaani la galeyso Maamulka ayaa waxaa kasoo horjeeda DF Somalia oo iyadu dhaliilsan qaabka uu u dhacay heshiiska.

Heshiiska Shirkad laga leeyahay dalka Britain ee shidaalka ka baari doonta Xeebaha W/galbeed ee Somalia, ayaa waxaa laga muujinayaa walaac ba’an, kadib markii dhawaan ay soo baxday Musuq-maasuq la xiriira Shidaalka Somalia kaasi oo dhexmaray Wasaarada Batroolka DF Somalia iyo Shirkada Soma oil and Gas oo laga leeyahay isla dalka Britain.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com