XOG: Faarax C/qaadir oo wada-hadal la yeeshey Axmed Madoobe, kana dalbaday saddex qodob

Kismaayo (Caasimada Online) – Wakiil ka socday madaxweyne Xasan Sheekh oo labadii maalmood ee ugu danbeysay ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa dib ugu soo laabtay galabta Muqdisho kadib markii uu wadahadal xasaasi ah Kismaayo kula soo yeeshay Axmed Madoobe si xal loogu helo is mari waaga ka dhex taagan dowladda Federaalka iyo Jubba.

Faarax Sheekh C/qaadir oo madaxweyne Xasan Sheekh u diray magaalada Kismaayo waxaa xusid mudan inuu ahaa ninkii kasoo shaqeeyay heshiiskii Addis ababa ee lagu heshiisiiyay dowladda Federaalka iyo Axmed Madoobe ayaa Kismaayo wadahadal kula yeeshay Axmed Madoobe waxayna arrinta ugu weyn ee laga wadahadlay ka mid ahaa:

1- In la kordhiyo tirada Xildhibaanada Baarlamaanka Jubba lagu daro 20 xildhibaan, si loogu qanciyo beelaha saluugsan maamulka Axmed Madoobe.

2- In muddo dib loo dhigo Doorashada Madaxweynaha Jubba.

3- Iyo in dib loo saxo dastuurka dhowaan la ansixiyay ee Jubba.

Axmed Madoobe ayaa ogolaaday in tiro kooban lagu daro Baarlamaanka, balse wuxuu ku adkeystay inaanu dib u dhigista doorashada ay farahiisa ka baxday, dastuurna aanu dib ugu noqon karin.

Waanwaanta ayaa weli qabyo ah iyadoo Axmed Madoobe u soo wakiishay inay Muqdisho yimaadaan xubno uu hogaaminayo ku xigeenkiisa C/qaadir Lugadheere oo sii wadi doona wadahadalka labada dhinac oo u muuqda inaysan sii socon karin.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com