26.7 C
Mogadishu
Tuesday, November 18, 2025

Sawirro: Gaadiid uu la socday taliyaha CXD oo weerar ismiidaamin lagu qaaday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayaa lagu weeraray kolonyo gaadiid dagaal oo uu la socday Taliyaha cusub ee Ciidamada xoogga dalka Jen. Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid.

Weerarka oo ahaa mid ismiidaamin ah ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa xarunta Wasaaradda iyo Kulyaddii Jaalle Siyaad.

Gaariga ayaa la sheegay inuu kaxeynaayay qof naftii halige ah oo ku dhuftay gaariga uu saarnaa Taliyaha oo ahaa kuwa aan xabadaha karin.

Ciidamada la socday Taliyaha ayaa u badan dadka ku dhintay kuna dhaawacmay Qaraxa kuwaa oo ilaa iyo hadda la kala garan la’ yahay wajiyadooda.

Taliyaha ayaa ka badbaaday Qaraxa, waxaana jira warar sheegaya inaanu soo gaarin wax dhaawac ah, walow Saraakiishu ay ka gaabsadeen inay ka warbixiyaan xaalada.

Khasaaraha ayaa la sheegayaa inuu gaarayo 6 dhimasho iyo 7 ruux oo uu kasoo gaaray dhaawac.

- Advertisement -

Read more

Local News