Amiin Caamir oo sawir cajiib ka sameeyay qorshaha Imaaraadka ee Somalia

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sawirkan ayaa muujinaya damaca Imaaraadka ee Soomaaliya iyo hamigeeda ah inay la wareegto dhamaan dekedaha dalka iyadoo deegsaneysa lacag badan .

Sawirka waxaa ka muuqda shaqi loo ekeeysiiyey gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo  boorso buuxda oo doolar ah ka guddoomaya masuul ka socda Imaaraadka si Baarlamaanka aanay ugu hor imaan qorshaha Imaaraadka ee Soomaaliya iyo Mooshinka ay ka wadaan saldhiigga Berbera inay joojiyaan .