Sidee ayey ku dhacday in Beyle garoonka Muqdisho ka keeno lacagtii ugu badneyd ebid?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa horey u ballan qaaday inay xukuumadiisa la dagaalami doonto Musuq maasuqa ka jiro dalka, waxayna arrintaas noqotay mid dhab kadib markii  wasiirka Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo ay wehliyaan xuno ka mid ah wasaaradda Maaliyadda ayaa kormeer shaqo ku tageyn diyaaradaha Aadan Cadde, oo lagu canshuuro qaadka Soomaaliya kaga yimada dalka Kenya .

Wasiir Beyle ayaa la sheegay inuu goob joog ka ahaa habkii loo canshuurayay Qaadka, iyadoo Wasiirku mid mid u kormeeray Jawaanada Qaadka ku jira iyo sida loo canshuuro, waxaana canshuurta ay qaadatay muddo saacado ah, arrintaasna waxaa lagu tilmaamay mid laga soo shaqeeyey.

Beyle ayaa u kuur galka iyo koontaroolka qaadka Soo dega waxay ku qaadatay ilaa duhurkii heer uu Qaadku ku daaho garoonka gudihiisa, sababo ku aadan kormeerka wasiirka iyo la socodka habka loo canshuurayay oo aheyd mid ka duwan sidii hore loo yaqaanay.

Caasimadda Online ayaa heshay xog sheegeyso in lacagta canshuurta qaadka ee shalay laga qabtay garoonka diyaaradaha ee Muqdsho ay noqotay tii ugu badneyn Abide ee hal maalin kusoo dhacda qasnadda dowlada , waxaana la sheegayaa in lacagtii shalay soo xarootay ay labo lab ka badan yahay mida maalin walba kusoo dhacda qasnada dowlada ee canshuurta qaadka kadib markii uu wasiirka ku mashquulay shalay oo dhan.

Kormeerka Wasiirka ayaa sabab u noqday in lagu ogaado in dhaqaale badan uu ka soo xaroodo canshuurta Qaadka, kaasoo wax is daba marin lagu sameyn jiray, isla markaana qasnada dowladda ku dhici jirtay lacago ka yar, lacagtii shalay laga qabtay ee canshuurtii qaadka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com