Sawirro: XAASHI CUMAR oo lagu dilay Muqdisho kadib 17 sano oo uu ku xirnaa Italy

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta qarax lagu dilay Xaashi Cumar Xasan, xilli uu ku sugnaa degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in marxuumka loogu xiray gaarigiisa, isla-markaana uu dhaawac soo gaaray mar dambe u dhintay.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee loo beegsaday marxuumka oo ahaa nin qurbajoog ah, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya.

Xaashi ayaa ahaa nin dhalinyaro ah oo firfircoon, isla-markaana si weyn loo yaqaano, waxaana si aad ah loogu xasuustaa xabsigii laga soo daayey ee wadanka Talyaaniga.

Wuxuu muddo 17 sano u xirnaa dowladda Talyaaniga, iyada oo loo heystay dilka gabar wariye  ah iyo kaamiriiste u dhashay dalkaas oo la dilay sanadkii 1994-tii. Ilaria Alpi iyo kaamiriiste Milan Hrovatin ayaa u shaqeynaayey Warbaahinta RAI ee dalka Talyaaniga.

Maxkamadda magaalada Rome ayaa ugu dambeyn dambi ku waysay Xaashi Cumar Xasan waxaana sidoo kale ay u xukuntay lacag lagu sheegay 3 illaa 5 milyan oo Europe ah.

Sikastaba, dilka Xaashi ayaa qayb ka noqonaya falal ammaan darri oo maalmihii dambe ka dhacayay Muqdisho oo haatan ay ka billowdeen howlgallo ay ku dhawaaqday dowladda.