Sawirro: Xagee mareysaa dhismaha waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhismaha Wadada xariirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa mareysa heer gaba-gabo ah, ayada oo muddadii ay socotay wajahday xaalad adag oo marar badan sababtay inuu hakad galo dhismaha jidkaasi oo ay dhismihiisa gacanta ku hayso shirkad Turki ah.

Intii uu socday dhismaha wadadaas ayaa waxa ku naf waayey injineero iskugu jira Soomaali iyo Turki kuwaasi oo ka wada-shaqeynayay dhismaha wadadaas, waxayna hanjabaado iyo weeraro joogto ah kala kulmeysay kooxda Al-Shabaab.

Wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo ka kala tiran gobollada Banaadir & Sh/Hoose ayaa ah waddo muhiim ah oo sahleysa isku socodka dadweynaha, waxayna kaalin weyn ka qaadaneysa isku xirka gobolka Banaadir iyo shabeellaha Hoose.

Dhamaadka bishii January ee sanadkaan ayey aheyd markii Gaari ay la socdeen shaqaalaha Soomaalida ah ee la shaqeeya injineerada Turkida ah ee ka shaqeynayay dhismaha wadaas lagu qarxiyey degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Al-Shabaab ayaa inta badan beegsada shaqaalaha iyo injineerada Turkida ah ee dhisaya wadada laamiga ah ee xariirasa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, waxaana ahaatan meel gaba-gabo ah maraya dhismaha laamiga sida ka muuqata sawirada hoose.