DF oo war kasoo saartay shirka doorashooyinka iyo wada-hallada mucaaradka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Afhayeenka xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Maxamed Ibraamih Mucalimuu ayaa qoraal uu baraha bulshada kusoo qoray ku sheegay inuu rajeynayo shirkii go’aanka looga gaari lahaa arrimaha doorashooyinka in lagu qaban doono Muqdisho, sida ugu dhaqsiyaha badan.

Sidoo kale afhayeenka wuxuu qiray in ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil heynta Maxamed Xuseen Rooble uu rajeynayo in lasii wado wadahalladii u dhaxeeyay dowladda iyo midowga musharaxiinta si gudu iyo si gaar ah, si xal looga gaaro arrimaha doorashooyinka.

Qoraalka uu afhayeenka soo dhigay twitter-ka oo ku qornaa luqadda Ingiriiska ayaa u qoran sidaan: “Waxaan rajeyneynaa in maalmaha soo socda uu Muqdisho ka dhaco shirkii madaxda dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah si loo dhameystiro heshiiskii 17-kii September 2020, sidoo kale mudane Mohamed Xuseen Rooble wuxuu rajeynayaa iney sii socdaan wadahallada uu la lahaa musharaxiinta madaxweynaha si guud iyo si shakhsi ahba, si loo gaaro heshiis loona aado doorasho sida ugu dhaw”

Hadalka kasoo yeeray xukuumadda ayaa kusoo aadaya xilii uu fashil ku dhamaaday shirkii wajiga saddexaad oo ay yeesheen Rooble iyo midowga musharaxiinta, taasoo sida la sheegay uu ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil heynta ka gudbi waayay qodobo ay soo jeediyeen midowga.

Midowga waxey ku eedeeyeen Rooble inuusan aheyn qof ay taladu ka go’do, balse waxaan la ogeyn hadii ay mar kale midowga ku qanci doonaan iney la fariistaan ra’iisul wasaaraha xukuumadda xilka sii heysa.