Sawirro: Xamza oo gaaray Baydhaba iyo wararkii ugu dambeeyay furitaanka shirka

Muqdisho (Caasimada Online)  – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhoweyd gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaare Xamza iyo wafdigiisa ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud madaxweynaha dowlad-gobolleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Intaas kadib ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo sii galbiyay xarunta Madaxtooyada ee maamulka Koonfur Galbeed.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa kamid ah ra’iisul wasaare ku-xigeenka Salax Axmed Jaamac iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yusuf Xuseen Jimcaale iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee XFS.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa qeyb ka ah madaxda ka qeyb-galeysa shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaasi oo ka furmi doona magaalada Baydhabo.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa haatan ka socdo qaban qaabadii ugu dambeysay ee loogu jiro furitaanka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo lagu wado inuu si rami ah beri uga furmo magaaladaasi.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa saacadihii dambe waday diyaar xoogan, si ay u soo dhaweeyaan madaxda kala duwan ee tageysa magaalada Baydhabo, sida uu shaaciyay Maxamed Cali Ibraahim oo ah agaasimaha guud ee warfaafinta ee madaxtooyada Koonfur Galbeed.

“Waxaa maanta magaaladda Baydhabo oo ah xarunta kumeel gaarka Dowladda Koonfur Galbeed soo gaari doono Madaxda Qaranka iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah DFS, Baydhabo waxay marti-galin doontaa Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maalinta berito ka furmi doono magaaladda” ayuu yiri agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shirka Baydhabo ka furmayo ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka, ammaanka, siyaasadda, dastuurka, dagaalka Al-Shabaab iyo arrimaha dhaqaalaha.

Dhinaca kale, xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu ku gacan seyray waan-waan iyo fariimo dhex-dhexaadin ah oo uga yimid dhanka wakiiladda beesha caalamka.

Wakiiladda Caalaamiga ah ayaa Saciid Cabdullaahi Deni ka dalbaday in shirkaasi uu xaadiro, islamarkaana uu halkaasi kusoo bandhigo tabashadiisa, si xal wada-jir ah looga gaaro.

Si kastaba, shirka Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa markii hore qorshuhu ahaa in la qabto 24-kii bishii hore, balse wuxuu dib ugu dhacay si madaxweynaha Puntland loogu qanciyo ka qeyb-galka shirka, taasi oo illaa hadda aan lagu guuleysan.