Shaki hareeyey ciidanka lagu tababarayo Baardheere iyo fal-celin xoogan oo ka dhalatay

Baardheere (Caasimada Online) – Waxaa maalmahan siyaabo kala duwan looga hadlayay ciidan tababar looga furay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Siyaasiyiinta abaabushay ciidankaas oo ay hoggaaminayaan Senator Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag iyo wasiirkii hore ee amniga Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa ku doodaya in ciidanka uu yahay mid Al-Shabaab looga saarayo deegaannada ay ka joogaan Gedo iyo Jubbada Dhexe.

Sanatar Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag ayaa sheegay in ciidamadani ay yihiin kuwa looga jawaabayay baaqii Madaxwayne Xasan Sheekh ee la dagaallanka Al-Shabab.

“Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya markii loo doortay madaxwaynenimada labada qodob ayuu aad iyo aad uga shanqariyay, qodobka kowaad waxaa uu ahaa in amniga iyo in qolyahan khawaarijta laga qabto Soomaaliya , qof kasta oo Soomaali ah meel kasta oo uu joogo waxaa waajib ku ah isaga o fulinaya tusaalaha madaxwaynaha sidii khawarijta looga sifeyn lahaa dalka,” ayuu yiri Mr Fartaag .

“Umadda Soomaaliyeed iyo reer Jubbaland-ba waxaan rabaa inaan u sheego in ciidankan Baardheere lagu uruurinayo waa ciidan daraawiish ah oo ay Jubbaland leedahay, Jubbaland macnaheedu ma aha Kismaayo oo kali,” ayuu intaa ku daray.

Mr Fartaag ayaa xusay in gobolka Gedo oo Jubbaland ka mid ah aysan joogin ciidamo kuwa Jubbaland ah ayna doonayaan in imika ay ciidamao sameeyaan.

“Jubbaland waa 17 degmo , toddobo degmo oo ka mid ah waa gobolka Gedo oo waa xor oo gacanta Al-Shabaab xor ayay ka yihiin, 17 degmo marka saddex degmo laga jaro inta kale ee soo hortay 14 degmo ahayd oo toddobo ay Shabaab haystaan, toddobo degmo ee xorta ma lahayn ciidamo daraawiish ah oo Jubbaland ah, haatan xeradii waa la furay,” ayuu yir Mr Fartaag.

Sanatar Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag ayaa beeniyay in ciidamadan lagu tababarayo ujeeddo gaar ah laga leeyahay.

“Ciidankan ujeeddo siyaasadeed lagama laha, ciidamadan la abaabulayo waa uun ciidamadii Soomaaliya oo dhan laga abaabulayay oo deegaannada laga abaabulayo oo madaxwaynaha Jamhuuriyadda uu ku dhawaaqay ee ah in Shabaab lala dagaallamo, mana aha ciidan la siyaasadeynayo,” ayuu intaa ku daray.

Maamulka Jubbaland oo shaki ka muujiyay ciidamada Baardheere

Hasayeeshee mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubaland ayaa sheegay in ciidankaas laga leeyahay dano siyaasadeed.

Wasiirka amniga Jubbaland Janaraal Yuusuf Dhuumaal ayaa sheegay in aysan jirin ciidamo maamulka Jubbaland uu ka warqabo oo lagu tababarayo Baardheere.

“Ciidankaas wax xog ah kama hayno , ciidan fedraal ama Jubbaland ku shaqo leh-na ma aha haddee qofkii isaga jabhad uruurasanayo isagay u taallaa,” ayuu yiri wasiir Dhuumaal.

Wasiir Dhuumaal oo aan wax ka waydiinnay sababta ay u diidayaan ciidamada Baardheere, ayaa sheegay in loo baahan yahay in si nidaam ah loola dagaallamo Al-Shabaab.

“Annagu dad Al-Shabaab la dirarayo ma diidayno marin xumada ayaan diidaynaa, annaga qofkii muwaadin ah oo hubkiisa wato oo Shabaab la dirirayo waan soo dhaweynaynaa, nidaamka ciidankana qofka markaad qorayso xuquuq ayuu leeyahay,” ayuu inta ku daray

Wasiirka amniga Jubbaland Janaraal Yuusuf Dhuumaal ayaa dhanka kale sheegay in dagaal ay Jubbaland Al-Shaabab kula jirto iyaga oo ka jawaabaya baaqii madaxwayne Xasan sheekh.

“Madaxwaynaha wuu ku dhawaaqay in Al-Shabaab lala dagaallamo, Jubbaland- na dagaal ayay ku jirtaa, hadda aan kula hadlayo dagaal ayaa socda maalin walba dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, ayuu yiri,” wasiir Dhuumaal.

Isha: BBC