Sawirro: R/Wasaare Xamza oo shir muhiim ah uga qeyb-galay Sharm El-Sheikh

Sharm El-Sheikh (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar kaga qayb-galaya shir -madaxeedka sanadlaha ee Bangiga Horumarinta Afrika oo maanta ka furmay magaaladaasi.

Shirka oo ay ka qayb-galayaan madax ka socota Qaaradda Afrika ayaa waxaa sanadkan diiradda lagu saarayaa isku-dubaridka maal-gelinta Ganacsiga gaarka loo leeyahay, si ay door muhiim ah uga qaataan dadaallada wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimillada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda Afrika kala qayb-galaya dood-cilmiyeed ku saabsan caqabadaha qaaradda Afrika ka heysta qaab dhismeedka dhaqaalaha adduunka.

Sidoo kale waxaa dooddan qeyb ka ah doorka bangiyada horumarinta ee caalamiga ah ay qayb uga noqon karaan xal waara oo loo helo dhibaatooyinka soo wajahaya Afrika.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay kasoo dhoofay magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb-galaan shirweynaha maanta ka furmay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar.

Shirkan ayaa waxaa kasii horeeyay kulan gaar ah oo halkaasi ka dhacay, ayn isugu yimaadeen wasiirada maaliyadda iyo madaxda bangiyada dowliga ah ee dalalka Bariga Afrika oo Soomaaliya ay xubin muhiim ah ka tahay.

Kulankaas oo Soomaaliya uga qeyb-galay wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa waxaa looga wada-hadlay arrimaha horumarinta dhaqaalaha dalalka Bariga Afrika iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ku hor gudban dhaqaalaha.

Sidoo kale waxaa looga dooday sidii dal waliba uu maal-galin u gaar ah uga heli lahaa Bangiga Horumarinta Afrika.