Wararkii ugu dambeeyay ee furitaanka kalfadhiga BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Muxumed Cabdulle Jaabiri oo uu wehliyo dhiggiisa Aqalka Sare ayaa kormeeray hoolka shirarka Baarlamaanka si ay ugu kuurgalaan dib u dayactirka lagu sameeyay.

Labada Xoghaye ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ayaa dhinac weliba ka qiimeyay, maadaama uu dhawaan furmayo kalfadhigii Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Sida uu hore u shaaciyay Golaha, kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa furmi doona maalinta Isniinta toddobaadka soo socda ee ku beegan 29-ka May 2023.

Xilliga labada Xoghaye ee Goleyaasha Shacabka iyo Aqalka Sare ay tegayeen xarunta Golahaas uu ku shaqeeyo ayaa waxaa ka socday dib u hagaajin hoolka dhexdiisa ah, “si dib u dayactir loogu sameeyo muddada kooban ee ka dhiman in aanay u billaaban fadhiyada Baarlamaanka.”

Guddoonka Labada Gole ee BFS ayaa dhowaan iclaamiyay waqtiga uu furmayo kalfadhiga 3-aad, kaasi oo qorshuhu yahay inuu daah-furo Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare BJFS waxaa horyaalla dhowr ajande oo qaarkood qabyo u ah, halka sidoo kale shuruuc kala duwan oo kasoo gudubtay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka loo gudbin doonno labadaas Gole, si ay uga doodaan uguna codeeyaan.

29-ka May ayuu si rasmi ah u furmaya Kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS. Furitaanka kalfadhiga 3-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhruuiyadda Federaalka Soomaaliya.

Kahor waqtigaas, ayaa waxaa la filayaa in uu dalka kusoo laabto madaxweynaha Soomaaliya, oo xilligaan safar qarsoodi ah ku jooga Imaaraadka, halkaasi oo uu gaaray shalay.