Sawirro: Xasan iyo Erdogan oo kulmay iyo Xasan oo caddeeyay mowqifkiisa

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Turkiga ee magaalada Ankara.

Kulankan ayaa ah hordhac loogu sii gogol-xaarayo wada-hadallo uu madaxweynaha Turkiga garwadeen ka yahay, kaas oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wafdiga uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka kooban wasiirro, taliyaha sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka, iyo la-taliyayaal ayaa muujinaya sida dowladda Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta midnimada, gobonnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa weli ku taagan go’aankii ay dawladdiisu hore u shaacisay oo madallo iyo munaasabado badanna ku soo difaacday, kaas oo ahaa in aanan Itoobiya laga qaadanayn wax ka yar in ay ka laabato heshiiskii Somaliland ee lagu sheegay isku-dayga dhul-boobka iyo ku-xad-gudubka madax-bannaanida Soomaaliya.

Wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya ee markale Ankara ka furmaya ayaa ku billaaban doona qaab u-kala-dabqaadis ah oo ay madaxda labada dal si gooni-gooni ah ula kulmayaan madaxweyne Erdogan oo isna u gogol xaari doona isku-soo-dhawaasho horseedi karta in kulan toos ah la isugu yimaado oo heshiis lagu gaaro.

Xogta aan helayno ayaa sheegaysa in Abiy Axmed uu muujinayo rabitaan ku saabsan in uu si buuxda uga tanaasulo damacisii ku riixayay heshiiskii muranka dhaliyay ee uu la galay Somaliland.

Xeel-dheerayaasha diblumaasiyadda ayaa u arka in arrimahan soo dedejiyay kulanka Ankara ay qayb ka tahay go’aanka ay dowladda Soomaaliya ku gaartay in ciidamada Itoobiya ay dalka ka baxaan wixii ka dambeeyay bixitaanka ATMIS ee dhammaadka sannadkan, iyadoo howl-galka Midowga Afrika uu magac cusub ku howl-galayo.