Sawirro: Xasan iyo Farmaajo oo ku kulmay Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo markii ugu horreysay maanta tegay xarunta Villa Soomaaliya, tan markii la doortay Axadii lasoo dhaafay ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Kulankan oo dhacay barqanimadii maanta ayaa ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa is xog wareysi iyo soo dhoweyn, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xog-ogaal ah.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Labada Madaxweyne ay iskaga xog waraysteen xaaladda guud ee dalka, sidii wadajir loogu sii ambaqaadi lahaa geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya iyo dardar gelinta dadaalladii horumarineed ee dalka ka socday 5-tii sano ee la soo dhaafay.

“Madaxweyne Farmaajo ayaa magacaabay Guddiga Qabanqaabada Xil-wareejinta Madaxweynaha oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Maxamed Cabdullaahi Ciise, isaga oo faray in ay si degdeg ah u diyaariyaan munaasabadda xil-wareejinta,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xasan Sheekh ayaa qoraal uu soo saaray kadib kulanka ku yiri “Waxaan u mahadcelinayaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo igu qaabilay xarunta madaxtooyada dalka, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa dalalka aan walaalaha iyo saaxiibada nahay ee dalkeena u soo diray dhambaallada hambalyada ah.”

Farmaajo ayaa isna yiri “Farxad ayaa ay ii tahay in aan maanta ku soo dhoweeyo Madaxtooyada Qaranka, walaalkay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo aannu kulan booqasho iyo salaan ah wada qaadannay, annaga oo iska xog waraysannay xaaladda guud ee dalka iyo sidii aynu wadajir ugu sii ambaqaadi lahayn geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.”

“Waxaan mar kale ugu hambalyeeyey walaalkay masuuliyadda culus ee loo doortay, waxaanna shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay si buuxda isu garab taagan, ulana shaqeeyaan.”

Farmaajo oo horey u aqbalay natiijadiii kasoo baxday doorashadii looga adkaaday ayaa u hambalyey Madaxweyne Xasan oo loo doortay Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa la filayaa in Madaxweynaha cusub uu saacadaha soo socda kulan wadajir ah la qaatay madaxda maamul goboleedyada dalka ee ku sugan caasimadda, si uu ugula hadlo xaaladaha taagan iyo sidii ay dowladdiisa cusub ula shaqeyn lahaayeen.

Tan markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu kulamo wadatashi ah ka waday Muqdisho, isaga oo shalay qaabilay taliyeyaasha ciidamada qalabka sida.

Guusha Madaxweynaha cusub ayaa si aad ah looga faceliyey, iyada dowladaha taageera Soomaaliya ay boggaadiyeen qaabkii ay u dhacday doorashadii uu kusoo baxay.