Sawirro: Xasan oo dhagax dhigay GAROON diyaaradeed si casri ah loo dhisayo

Cadale (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha garoonka diyaaradaha ee degmada Cadale.

Garoonka diyaaradeed oo dhawaan dhismihiisa uu bilaaban doono ayaa waxaa lagu wadaa in loo dhiso si casri ah, ayada oo la filayo in wax badan uu kusoo kordhin doono harumarka deegaanka iyo isu-socodka bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay munaasibada dhagax dhiga ayaa sheegay in garoonkaan uu muhiim u yahay bulshada deegaanka, isaga oo xusay in dhismihiisa uu qeyb ka noqon doono mashaariicda laga fulinayo gobolka Shabeellaha Dhaxe.

Xasan Sheekh oo maalmihii dambe ku sugnaa degmada Cadale ayaa halkaasi kulamo kala duwan kula qaatay madaxda ugu sareysa maamulka HirShabelle, Siyaasiyiin, Saraakiil iyo Odayaasha dhaqanka Mudulood.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in madaxweynaha intii uu ku sugna degmada Cadale uu qeyb ka ahaa taageerada baaq nabadeed oo ay soo saareen culumada, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada, kaasi oo adkeynaya heshiisiinta bulshada, ciribtirka jidgooyooyinka sharci darrada ah iyo dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda in la xoojiyo nabadda, horumarka deegaanka iyo dib u heshiisiinta bulshada, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in aan la aqbalin karin in jidgooyo sharci-darro ah la dhigto deeganada gobolka, islamarkaana lagu dhibaateeyo muwaadiniinta safarka ah.

Sidoo kale waxa uu faray laamaha amniga iyo odayaasha dhaqanka inay u midoobaan qofkasta oo lagu helo in uu caqabad ku yahay wada noolaashaha iyo xasilloonida gobolka.