Tripoli (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulammo miro dhal ah la qaatay Hoggaamiyaha Golaha Sare ee Liibiya, Mudane Maxamed Al-Manfi, iyo Ra’iisal Wasaaraha dalkaasi, Mudane Cabdixamiid Dabaybah, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madaxda Libya si gaar ah ugala hadlay iskaashiga labada dal ee dhinacyada tahriibka, dhaqaalaha, tamarta, iyo diblomaasiyadda.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah diiradda u saaray xaaladda tahriibayaasha Soomaaliyeed ee ku sugan Liibiya, isaga oo uga mahadceliyay Dowladda Liibiya iskaashiga ku aaddan soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee tahriibeyaasha ah.
Madaxweynaha ayaa u kuur-galay duruufaha adag ee dhalinyarada Soomaaliyeed ku heysta xabsiyada Libya, wuxuuna sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in xal waara laga gaaro dhibaatooyinka tahriibka iyo daryeelka muwaadiniinta.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafaguray danaha wadajirka ah ee labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale iyo siyaasadeed ee labada dowladood ee walaalaha ah.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Hoggaamiyaha Liibiya ayaa isla qaatay in la dardargeliyo iskaashiga dhinaca tamarta, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay isdhaafsiga khibradaha iyo teknoolajiyada casriga ah ee ku saabsan tamarta dib loo cusboonaysiin karo iyo sahminta shidaalka.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal Wasaare Cabdixamiid Dabaybah ayaa goobjoog ka ahaa saxiixa heshiisyo dhowr ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal.
Labada dowladood ayaa waxaa heshiisyadaas u kala saxiixay wasiirrada iyo madaxda ay khuseyso, si kor loogu qaado iskaashiga horumarinta maalgashiga, is-dhexgalka dhaqaale, iyo adeegyada bulshada.
Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Amniga Qaranka, iyo Duqa Muqdisho ayaa heshiisyadaas u saxiixay Dowladda Federaalka Soomaaliya.