Sawirro: Xasan Sheekh iyo Aadan Madoobe oo qaabilay xildhibaanno diidanaa…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ku bahoobay kutlada ‘toosin qaran’ oo saluug badan ka qaba qorshaha madaxda dowladda federaalka ee wax ka bedelka dastuurka ayaa la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

Kulan isugu jiray Afur iyo wadatashi ayaa xalay waxaa uu xarunta madaxtooyada Soomaaliya ku dhaxmaray Madaxweynaha, guddoomiyaha iyo xildhibaanada ku mideysan kutlada toosin qaran.

Xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira dhameystirka Dastuurka oo doodiisu ka socoto kulamada baarlamaanka ayaa lagu gorfeeyey kulankaas, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayuu Madaxweynuhu xildhibaanada (Kudladda Toosin Qaran) kaga dhageystay aragtidooda ku aaddan arrimaha Dastuurka oo dood ay ka qabeen.

Sidoo kale xubnahaasi waxay Madaxweynaha talooyin ka siiyeen arrimaha ammaanka dalka oo hadda ah tan koowaad ee wax la iska weydiiyo, waxaana la isku fahmay waxyaabihii xildhibaanada iyo Madaxweynuhu kaga wada hadleen kulankaas, sida aan xogtaan ku helnay.

Sidoo kale xildhibaanada ku jira Kudlada Toosin Qaran waxay xalay la kulmeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, iyagoo kala hadlay Dastuurka iyo qorshayaasha kale hortabinta u leh Baarlamaanka.

Maalamahaan baarlamaanka Soomaaliya waxaa u socda kulamo xiriir ah oo looga doodayo dastuurka dalka, waxayna marayaan gabagabada cutubka 4-aad ee dastuurka.

Xildhibaano badan ayaa ka hor yimid qorshaha wax ka bedelka dastuurka, kuwaas oo kulamo xasaasi ah ka wada Muqdisho, hase yeeshee dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh ayaa ku dadaaleysa, kuna faro-adeygeysa ka miradhalinta hadafkeeda wax ka bedelka iyo dhameystirka dastuurka.