Muxuu yahay liiska laga reebay Soomaaliya ee ay ku jiraan Kenya iyo Itoobiya?

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa la soo saaray liiska dalalka ugu farxadda badan adduunka, kaasi oo ay kasoo dhex muuqdeen Kenya iyo Itoobiya, halka aan gebi ahaanba lagu soo darin Soomaaliya.

Sidoo kale Jabuuti ayaa ku jirin liiska warbixinta, halka ay Finland sanadkii toddobaad oo xiriir ah noqotay dalka ugu farxadda badan adduunka ee warbixinta liiska farxadda adduunka ee ay soo agaasinto Qaramada Midoobe.

Dalalka Nordic ayaa sidoo kale ceshtay inta badan 10-ka kaalin ee ugu sarreeya, ayada oo Denmark, Iceland iyo Sweden ay ku xigsadeen Finland.

Afghanistan, oo ay ku habsatay musiibo bani’aadannimo tan iyo markii Taliban ay dib ugu soo noqdeen xukunka 2020, ayaa kusii nagaatay halka ugu hooseysa liiska ee kaalinta 143-aad ee dalalka daraasadda laga sameeyey.

Markii ugu horreysay tan markii la billaabay daabicidda warbixintan 10 sano kahor, Mareykanka iyo Jarmalka ayaan ka mid noqon 20-ka dal ee ugu farxadda badan, ayaga oo kala galay kaalimaha 23-aad iyo 24-aad.

Taa beddelkeeda Costa Rica iyo Kuwait ayaa ka mid noqday 20-ka ugu sarreeya, ayaga oo kala galay kaalimaha 12-aad iyo 13-aad. Warbixinta ayaa xustay in dalalka ugu waa weyn caalamka aysan hadda qeyb ka ahayn dalalka ugu farxadda badan.

“10-ka waddan ee ugu sarreeya, kaliya Netherlands iyo Australia ayaa waxaa ku nool in ka badan 15 milyan oo qof. Dhammaan 20-ka dal ee ugu sarreeya, Canada iyo UK oo keliya ayaa waxaa ku nool in ka badan 30 milyan.”

Qiimaynta farxaddu ayaa waxaa lagu saleeyey is-qiimaynta shakhsiyaadka ee ku qanacsanaanta nolosha, dhaqaalaha, taageerada bulshada, muddada nolosha caafimaadka qabta ee qofka, xorriyadda, deeqsinimada iyo musuq-maasuqa.

Waxaa xusida mudan in Soomaaliya aysan ka mid ahey dalalka qiimeynta laga sameeyey, sidaas darteedna kuma jirto liiska warbixinta. Sidoo kale Jabuuti ayaan ku jirin.

Kenya iyo Itoobiya oo deris la ah Soomaaliya, ayaa kala galay kaalimaha 114-aad iyo 130-aad, sida ay u kala horreeyaan.