Sawirro: Xasan Sheekh oo arrimo xasaasi ah kala hadlay saraakiil militeri oo Turki ah

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay khubaro milatari iyo saraakiil sarsare oo ka socda dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn Turkiga uga mahadceliyey doorka ay ka qaadanayaan dib u dhiska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaiyeed iyo dagaalka ka dhanka argagixisada Alshabaab.

Kulankan waxaa qeyb ka ahaa Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mudane Ibrahim M. Yagli.

Kulanka Madaxweynaha Soomaaliya iyo saraakiisha Turkida ah ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga dhanka milatariga ee labada dal.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Turkiga u cadeeyey muhiimadda taageerada walaalaha Turkiga ee howlgalka xoreynta iyo qorshaha tababarrada Ciidamada Soomaaliyeed ee ay leyliyaan khubarada milatariga Turkiga ah.

Saraakiisha Turkiga ka socota ayaa Madaxweynaha Soomaaliya u cadeysay inay sii wadi doonaan doorka ay ka qaadanayaan dib u dhiska ciidamada Soomaaliya.

Xog ay kulankaan ka heshay Caasimada Online, waxay sheegeysaa in arrimaha lagu gorfeeyey ay qeyb ka yihiin duqeymaha diyaaradaha Turkiga ay uga baahan tahay Soomaaliya.

Diyaaradaha dagaalka Turkiga ayaa ka qeyb gala dagaalka ay ciidamada Soomaaliya kula jiraan kooxda Al-Shabaab, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda ay bilowdaan duqeymo iyo dagaalo toos ah oo ciidamada Soomaaliya ay ku qaadayaan kooxda Al-Shabaab.