Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta tegay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirrada, kaas oo ay si buuxda u xaadireen xubnaha goluhu.
Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah, uuna goobjoog ahaa Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa diiradda lagu saaray dardargelinta qorshayaasha dowlad-dhiska iyo horumarinta adeegyada dadweynaha.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa inta uu socday shirka canaantay wasiirada, wuxuuna ku amray inay laba jibaaraan dadaalkooda shaqo, si loo xoojiyo kalsoonida shacabka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku adkeeyay golaha wasiirrada in ay si buuxda uga qeybqaataan dadaallada dimuqraadiyeynta dalka, si loo xoojiyo kalsoonida shacabka loona adkeeyo muuqaalka dowladnimada iyo wadajirka Qaranka Soomaaliyeed.
Waxaa kale oo ku boorriyay Wwasiirrada in ay xoojiyaan wada-shaqeynta, isla xisaabtanka, iyo hufnaanta howlaha dowladda.
Dhanka kale, kulanka ayaa waxaa lagu soo bandhigay guulo muhiim ah oo laga gaaray dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo dowlad-dhiska, iyadoo la xusay in lixdii bilood ee la soo dhaafay lagu dilay tiradii ugu badnayd ee Khawaarijta argagixisada, lana xoojiyay qalabeynta iyo tababarka ciidamada Qaranka.
Sidoo kale, waxaa la tilmaamay in miisaaniyadda sanadka 2026 ay kor u kici doonto, lana qorsheeyay in kororkaasi lagu maalgeliyo adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.
Kulankan ayaa ujeedkiisa ahaa mid uu Madaxweynaha ku xoojinayo dadaallada ay waddo dowladdiisa, maadaama haatan la galayo marxalad culus oo kala guur ah, lana qorseynayo in dalka uu aado doorashooyin oo ay ugu horreyn doonaan Maamul-goboleedyada dalka.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo culus, waxaana weli halkiisii ah khilaafka gudaha ee dhexeeyo madaxda dowladda iyo kuwa mucaaradka dalka.



