Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo Madasha Dooxa ee lagaga arrinsanayo amniga, siyaasadda iyo iskaashiga horumarineed.
Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha ee Hamad International Airport waxaa kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Qatar.
Booqashada Madaxweynaha ee Qatar ayaa waxay qeyb ka tahay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee labada dal, sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya.
Inta uu ku sugan yahay Dooxa, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulammo la qaadan doona Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad iyo madaxda dalkaas oo ay ka wada-hadlayaan xaaladda gobolka iyo mustaqbalka xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar.
Ka qeyb-galka Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Madasha Dooxa ayaa fursad wanaagsan u ah muujinta muuqaalka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo xoojinta wada-hadallada caalamiga ah ee ku saabsan amniga iyo mustaqbalka gobolka.
Dooxa Forum ayaa ah madal sanadle ah oo lagu falanqeeyo diblumaasiyadda, wada-hadalka iyo arrimaha nabadda caalamka.
Qatar ayaa kamid ah dalalka carbeed ee sida u dhow u taageera Soomaaliya, waxayna sidoo kale dalka ka fulisaa mashaariicyo kala duwan oo horumarineed.






