Sawirro: Xasan Sheekh oo la kulmay Al-Sisi xilli socdaalkiisu xiisad dhaliyey

Cairo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku joogga dalka Masar, ayaa wuxuu maanta kula kulmay Madaxweynaha cusub ee dalkaasi Abdel Fattah Saeed Hussein Khalil El-Sisi.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa waxa uu Magaalada Qaahira kaga qaybgalay munaasabada caleemo saarka ee Madaxweynaha cusub ee Masar, markii uu casuumaad u fidisay Dowladdiisa cusub.

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ahna Ku Simaha Wasiirka Amniga Qaranka ee Somaliya General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, oo ka mid ah wefdiga Madaxweynaha Somaliya, ayaa wuxuu ka warbixiyay waxyaabaha ay ka wada hadleen labada Madaxweyne.

Wasiirka, ayaa wuxuu Warbaahinta Dowladda Soomaaliya uu u sheegay in labada Masuul, ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada, kaalinta Masar ee horumarka iyo nabadgelyada ee dalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhigiisa Masar ugu hambalyeeyay Madaxtinimadiisa, iyadoo uu noqonaayo Madaxweynihii 5-aad oo qaab Militari ku qabsada dalkaasi.

Wadamada Jaamacada Carabta, ayaa ku kala aragtiyo duwan Madaxtinimada El-sisi, iyadoo Sacuudiga iyo Qatar ay ku sii kala fogaanayaan arrinta ku aadan Masar.

Socdaalka madaSawirro: Xasan Sheekh oo la kulmay Al-Sisi xilli socdaalkiisu xiisad dhaliyeyxweynaha ayaa ilo xog ogaal ah waxa ay Caasimada Online u sheegeen inuu xiisad siyaasadeed ka dhex abuuray isaga iyo dalal taageersan.

Dowladaha Qatar iyo Turkiga ayaa lagu warramayaa inaysan faraxsaneyn kadib markii uu Xasan Sheekh diiday waano la xiriirtay inuusan ka qeyb gelin caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Masar.

“Dowladha Qatar iyo Turkey ayaa si cad ugu sheegay Madaxweynaha Somalia inuu Cabdifataax Al-Siisi yahay nin afgembi ku qabsaday dalka Masar, sidaas darteedna uu sharci darro yahay Caleemasaarkiisa” ayuu yiri qof ku dhow Villa Somalia oo Caasimada Online la hadlay.

sis1sis2sis3sis4sis5