Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maamuusaya halgankii gobonnimo doonka Soomaaliyeed iyo halyeeyadii naftooda u huray xornimada, qarannimada iyo midnimada dalkeenna ayaa maanta ubax dhigay Taallada Dhagax-tuur ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha oo muujinaya sharafta iyo qiimaha ay ummadda Soomaaliyeed ka mudan yihiin geesiyaashii u soo halgamay xorriyadda dalka ayaa mid mid u dul istaagay tabbeelayaal lagu xardhay taariikhda qaar kamid ah Halgameyaashaasi.
Waxa uu ku adkeeyay shacabka Soomaaliyeed ilaalinta midnimada, dal jaceylka, wada-jirka iyo isku duubni sal adag leh, si looga mira-dhaliyo dhaxalkii ay ka tageen ee ilaalinta gobannimadeenna.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa subaxnimadii hore ee saaka hoygooda ku booqday guddoomiyaasha labada aqal ee baarlamaanka dalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda Xamza Cabdi Barre, si uu ula qaybsado farxadda maalmaha xorriyadda iyo midnimada dalka.
Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay ka qeyb-galay munaasabadda 26-ka June, isagoo xoojiyay midnimada dalka, taasi oo uu ballan-qaaday inuu ka shaqeyn doono iyo sidii loo soo celin lahaa gobollada waqooyi, si ay mar kale u midowdo ummadda Soomaaliyeed.
Waxa uuna bogaadiyay dadaalka iyo midnimada guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan sidii loo xaqiijin lahaa himilooyinka qaranka iyo hiigsiga ay inoo ka tageen aabeyaasheen.
Munaasabadda dabaal-degga 26-ka Juun ayaa xalay si weyn looga dabaal-degay dalka, gaar ahaan caasimadda, ayada oo lagu qabtay xarunta gobolka Banaadir, taasi oo ay ka soo qeyb-galay madaxda dowlada, xildhibaano, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.