Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Jabuuti Cabdulqaadir Xuseen Cumar oo booqashadiisii ugu horreysay ku yimid Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiiyay salaan iyo dhambaal uu ka siday dhiggiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Intii uu kulanka socday, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Wasiirka la wadaagay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dadaallada socda ee dib u dhiska, horumarinta iyo howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta Daacish iyo Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo Dowladda Jabuuti hiilka walaalnimo ee ay la garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed.
Sidoo kale, kulanka ayaa la iskula qaatay in la sii xoojiyo xiriirka istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti ka dhexeeya, kaas oo ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi qotodheer, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo arrimaha gobolka.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti iyo wafdigiisa waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey dhigiisa Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan labada gole ee dowladda.
Wafdiga Wasiir Cabdulqaadir ee Muqdisho soo gaaray waxaa qeyb ka ah safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Jabuuti, Mudane Salaad Cali Jeelle iyo masuuliyiin kale, wuxuuna sii joogi doonaa muddo labo cisho ah.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, oo hadal kooban ka jeediyay kulankii soo dhoweynta ee ka dhacay hoolka nasashada ee garoonka ayaa ka warbixiyey booqashada Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti, Cabdulqaadir Xuseen Cumar iyo wafdigiisa ay ku yamaadeen Soomaaliya.
Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Xuseen Cumar, oo ka mahadceliyey soo dhoweynta walaalnimadu ku dheehan tahay ee isaga iyo wafdigiisa loogu sameeyey Muqdisho ayaa sheegay in booqashadaan ay qaadan doono muddo labo cisho ah.
Cabdulqaadir Xuseen Cumar ayaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Jamhuuriyadda Jabuuti loo magacaabay bishii April ee sanadkan, isagoo bedelay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Jabuuti, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf oo hadda ah Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.