Sawirro: Xasan Sheekh oo safar muhiim ah ugu baxay Imaaraadka + Qorshaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safarkiisii ugu horreeyey ugu ambabaxay dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta, kaas oo ku soo aaday, kadib isbeddelka siyaasadeed ee dalka ka dhacay.

Madaxweynaha oo ay wehlinayaan xubno ka mid ah Villa Soomaaliya iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada xukuumadda xil gaarsiinta ayaa goordhow waxaa garoonka kusii sagootiyey ra’iisul wasaaraha xil gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble iyo mas’uuliyiin kale.

Sida ay shaacisay Villa Soomaaliya, Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta oo maalmihii u dambeeyey dadaal xoogan ku bixineysay siyaasadda Somalia, si ay ugu dhawaato dowladda cusub.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadal la yeelan doono madaxweynaha dalkaasi Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan oo ay ka wada-hadli doonaan arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal oo aad u hooseeyey sanadihii la soo dhaaafay.

“Safarka Madaxweynaha oo labo maalmood qaadan doona ayaa ku qotoma xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada waddan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Booqashadan oo ah tii ugu horreysay ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kadib doorashadii 15-kii May ayaa direysa in Imaaraadka uu meesha ka saaray Qatar oo shantii sano ee lasoo dhaafay aheyd taageeraha koowaad ee dowladdii uu hoggaaminayey Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Waxaa kale oo Madaxweynaha horey casuumaad rasmi ah ugu fidiyey dalal ay ka mid yihiin Sacuudiga, Turkiga, Kenya iyo Jabuuti oo la filayo inuu mar uun safaro ku tegi doono.

Safarkaan ayaa kusoo aadayo, iyada Madaxweynuhu magacaabay ra’iisul wasaare Xamze Cabdi Barre, kaas oo la filayo inuu Madaxweynaha horgeeyo BF, si ay u helo kalsoonida.