Sawirro: Xasan Sheekh oo sagootiyey James Swan oo ka tegaya xilkii Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan saagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mudane James Swan.

James oo soo gaba-gabeeyey shaqadiisa diblumaasiyadeed ee uu ku joogay dalkeena ayaa waxa uu madaxweynaha ku bogaadiyay doorkii uu ka qaatay taageerada dowladda Somaliland.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha ku amaanay James Swan kaalinta uu ka qaatay gurmadka abaaraha baahsan ee ka jira dalkeena iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Danjire Swan ayaa dhankiisa waxa uu madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankaan, isaga oo tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu xusay sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed inay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin dalalka caalamka, taasi oo ku saleysan in danaha dadka Soomaaliyeed lagu xaqiijiyo iskaashi iyo wax- la qabsiga dalalka kale ee caalamka.

James oo dhawaan wareejin doona xilka wakiilka Xoghayaha Guud ayaa sidan oo kale shalay kulan la qaatay ra’iisul wasaaraha dalka, kaasi oo guddoonsiiyay haddiyado kala duwan oo ay ku jiraan dharka hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee QM weli ma uusan magacaabin danjiraha beddeli doona James Swan, balse waxaa la filayaa inuu shaaciyo maalmaha soo socda.