Ujeedka safaraka Xasan ee Imaaraadka Carabta + Sawirro

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Isu-tagga Imaaraatka Carabta kaga qeyb galay Shir ku saabsanaa Amniga Soomaaliya.

Shirkaas waxaa kasoo qeyb galay dalalka sida dhow dhanka ammaanka uga taageera Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta, Qatar, Mareykanka, UK iyo Turkiga.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii dowladda Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo isku xirka kaalmada dhinaca amniga ee caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xasilloonida gobolka iyo in laga fogaado wiiqidda guulihii adkaa ee laga soo hoyey dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in wixii dadaal la sameeyey uu khasaari doono hadii aan la ixtiraamin madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhammaadkii sannadkii tagay waxay sidaan oo kale ku qabatay xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York Shir weyn oo looga hadlay Amniga Soomaaliya.

Shirkaas ayaa ku soo aaday maalmo kadib markii cunaqabateynta hubka laga qaaday Soomaaliya, waxaana loga hadlay sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa in ay isku filnaasho amni gaarto, iyadoo loo marayo dhismaha iyo qalabeynta Ciidamada Qalabka Sida.