Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Salaadda Janaasada ku tukaday Alle ha u naxariistee Marxuum Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax oo ka mid ahaa isimada Soomaaliyeed ee lagu yaqaanay nabadda iyo waddaniyad.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii, iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Ugaaska. Wuxuu Alle uga baryay marxuumka inuu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo ehelkiisa iyo ummadda Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorkii muhiimka ahaa ee uu Marxuumku ku lahaa bulshada dhexdeeda, isaga oo xusay in uu ka tagay dhaxal suuban oo ku saleysan nabad, talo iyo wanaag.
Tukashada Salaadda Janaasada waxaa Madaxweynaha kala qeyb-galay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, Axmed Cabdi Kaariye iyo Cali Cabdullaahi Xuseen, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada gole ee Dowladda Federaalka.
Madaxda ayaa si wadajir ah u muujiyay sida ay uga tiiraanyeysan yihiin geerida Marxuumka, iyaga oo Alle ka baryay in uu naxariistii janno siiyo, isla markaana xasuustiisa wanaagsani ay ku sii nagaan doonto quluubta dadka Soomaaliyeed.
Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax ayaa kaalin weyn kasoo qaatay nabadeynta iyo shirarkii dib-u-heshiisiinta ee lagu yagleelay dhismaha dawladihii ku meel gaarka ahaa.
Wuxuu kaloo lafdhabar ka ahaa dhismaha dawladda Galmudug, isagoo had iyo jeer u taagnaa dadaallada nabadeynta.