Arag sawirro: Xasan oo khudbada ciida uga hadlay doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Salaada Ciid la dukaday Shacabka magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xassan ayaa waxaa Salaada ku wehlinaayay Mas’uuliyiin uu kamid yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Wasiiro, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Xassan ayaa salaada kadib halkaasi ka jeediyay Khudbad dhowr jiho taabaneysa waxa uuna kusoo hadal qaaday arrimaha doorashada, amniga, horumarka iyo arrimo kale.

Madaxweyne Xassan waxa uu shacabka ugu baaqay inay ka shaqeeyan horumarkooda waxa uuna dadka ku dhiiragaliyay inay u hogaansamaan xaqiijinta amniga.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed u jeediyey in dowladda ay ku gacan siiyaan sidii looga hortagi lahaa kuwa diiddan jiritaanka Diinta iyo dadnimada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo haddal qaadey arrimaha doorashooyinka dalka ka dhici doona sannadkaan, waxa uu sheegay in doorashooyinkaasi ay yihiin kuwa lagu cabiri doono horumarka ay Soomaaliya gaartay.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
ciid9

ciid8

ciid1

ciid2

ciid3

ciid4

ciid5

ciid6

ciid7

ciid8