Xog: Somalia oo halis ugu jirta in ay weydo taageerada Islaamka

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa cabsi laga qabaa in Dowlada Somalia ay weyso xiriiradii kala dhexeeyay Dowladaha Carabta kuwooda sida aadka augu dhow.

Dowlada Somalia ayaa xiriiradaasi ku weyn doonta kan cusub oo ay iminka la sameysaneyso Dowlada Israel ee sida aadka ah kaga soo horjeeda Dowladaha islaamka ee carabta waxa ayna taasi sababi doontaa in Somalia ay u go’do Israel.

Dowlada Israel ayaa iminka ku dhiiraneyso xiriir ay la sameyso Dowlada Somalia oo ay ku hardamayaan inta badan dowladaha quwada leh kadib markii Xasan Sheekh uu socdaal ku tagay magaalada Tel-Aviv. Halkan ka aqri.

Xiriirkaani qalqalka u abuuraaya Somalia iyo dowladaha carabta ayaa imaanaya iyadoo kulan laba geesood ah uu dhawaan dhexmaray Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isul-wasaare Binjamin Netayahu.

Israel ayaa laga cabsi qabaa in Somalia ay u adeegsato qaab ka baxsan xiriirada diblumaasiyadeed.

Xiriirka cusub ee iminka dhexmaraaya Somalia iyo Israel ayaa imaanaya xili dowladaha carabta iyo Israel hanjabaado hawada isu marinayaan iyadoo cabsida ugu badan ay tahay in Somalia loo isticmaalo qaab Sirdoon.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasada ayaa qaba in Somalia looga wanaagsan yahay in faraha ay kala baxdo siyaasada cusub oo ay la dheeleyso dowlada Israel, iyaga oo cabsi ka muujiyay in dunida guud-keeda laga masaxo Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com