Dagaal aad u culus oo ka socda magaalada Cadaado (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal xoogan ayaa waxa uu goordhow ka bilowday Magaalada Cadaado ee Xarunta Gobolka Galgaduud ee bartamaha Dalka Soomaaliya.

Dagaalkaani ayaa u dhexeeya maleeshiyaad daacad u ah mid kamid ah Ganacsatada qaatka iyo ciidamo ka tirsanaa maamulka.

Dagaalka ayaa waxaa bilaabay Ciidamada daacada u ah Ganacsadaha kuwaasi oo weerar culus ku qaaday ciidamo Boolis ah oo ka tirsan kuwa Maamulka oo iyagu diidanaa in gudaha magaalada lasoo galsho qaadka.

Dagaalka oo ahaa mid Hub culus leysu adeegsaday ayaa waxaa ku dhintay laba ruux, halka sidoo kale uu dhaawac kasoo gaaray Seddex kale.

Dadka ku nool xaafadaha uu dagaalka ka socda ayaa kusoo waramaaya inay maqlayaan daryanka hubka culus oo labada dhinac ay isku ridayeen.

Dhanka kale, Ciidamo badan oo ka tirsan maamulka ayaa la geeyay Saldhiga Booliska Degmada Cadaado kadib markii Maleeshiyaadka weerarka soo qaaday ay dib u laabteen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com