Mas’uul ka tirsanaa maamulka Puntland oo Xabsi la dhigay

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada Booliska Puntland ayaa goordhow magaalada Garoowe ku xiray mas’uul ka tirsanaa maamulka kaasi oo la sheegay in amarkiisa uu baxshay Madaxweynaha maamulka.

Mas’uulka ay xireen ciidamada Booliska ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Degmada Gaalkacyo ee Puntland Yacquub Maxamed Cabdalla.

Xubno ka tirsan maamulka C/wali Gaas, ayaa xaqiijiyay in Mas’uulkaasi loo xiray haddal uu ku duray Madaxweynaha maamulka kaasi oo ahaa inuu iska casilo xilka maadaama uu ku fashilmay.

Mas’uulkaani la xiray ayaa lagala baxay Goob uu kula sheekeysanaayay asxaabtiisa oo ku taalla Bartamaha Magaalada Garoowe.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka kaasi oo ku aadan xariga Mas’uulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com