Xildhibaan Faarax Sheikh Cabdul qaadir oo cafis guud fidiyey (Aqri)

Faarax Sheekh C/qaadir oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu cafaiyey dhamaan dadkii isaga waxa ka sheegay oo xumaanta iyo beenta ka faafin jiray,isagoo sidoo kale ugu baaqay Soomaalida inay is Cafiyaan

Siyaasi Faarax Sheekh ayaa hadlkiisa ku soo beegay Maalinta Ciidul-fidriga,isagoona sheegay in qof kasta oo isaga wax u dhibtay inuu iska cafiyey,waxuuna intaas ku daray in is cafisku uu yahay mid ahmiyad balaaran u leh mujtamaca islaamka.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale Umada Muslimka iyo Soomaalidaba ugu hanbalyeey munaasabada Ciidul-fidriga,isagoo u rajeeyey umada Soomaaliyeed inay hor mar iyo barwaaqo ku gaaraan Sanadkaan sanadkiisa.

Xildhibaan Faarax C/qaadir ayaa ah siyaasi miisaan culus ku leh Siyaasada wadanka Soomaaliye, waana Shaqsi ka soo shaqeeyey Waxbarashada Soomaaliya,waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay shaqsigii isbedalka 2012-kii keenay taasoo ay ka dhalatay Dowlada uu hogaamiyo Xasan Sheekh

Xildhibaan Faarax ayaa ah siyaasi aan ku badneyn shaashadaha Saxaafada,waana siyaasi ka duwna siyaasiyiinta kale,waxaana loo arkaa inuu yahay shaqsi miisaan leh oo hadana ka hufan musqmaasuqa lagu sheego siyaasiyiinta qaar.