Sawirro: Xildhibaan arrin yaab leh ku muteystay lix bil oo xabsi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Tansaaniya ayaa xabsi dhigtay Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka ee Kilombero ee koonfur-galbeed Tansaaniya.

Xildhibaanka Xabsiga la dhigay oo lagu magacaabo Peter Lijualikali, ayaa lagu eedeeyay inuu u gacan qaaday Sargaal ka tirsan Booliska dalkaasi.

Xildhibaan Peter Lijualikali ayaa lagu xukumay lix bilood oo xabsi ah ka dib markii uu weeraray askari bilays ah.

Garsooruha maxkamadda ayaa xukumay isaga iyo darawalkiisa, oo lagu magacaabo Stephano Mgata, waxaana la sheegay in gacanqaadka kadib uu gaf dhanka qoyska ah u geystay Sargaalka.

Xildhibaanka ayaa sanadii 2014 hor u geystay gacanqaad dhowr ah, waxaana kiiska saraqaaday Gacanqaadka uu iminka u geystay Sargaalka.

Warbaahinta qaar ee kasoo baxa dalkaasi ayaa sheegay in Darawalka uu ka badbaaday xukunka xariga kadib markii Kiiskaasi uu ka ahaa banaan joog.

Xildhibaanka ayaa si arxan la’aan ah u qaadan doona Lixda Bil ee xariga ah, waxaana Go’aankaasi gaaray Garsooraha Maxkamada.

Dhinaca kale, Bishii Maarso 2016, xildhibaanka ayaa ku weeraray askari bilays ah xarunta taliska guud ee degmada taasoo xadgudub ku ah xeerka ciqaabta ee dalka.