Dowladda Ethiopia oo xabsi dhigtay mas’uuliyiin xilal ka haya dowlada

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Ethiopia ayaa Xabsi dhigtay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada kuwaa oo lagu eedeeyay musuq-maasuq baahsan iyo ku tagrifalka Hantida Qaranka Ethiopia.

Mas’uuliyiinta xabsiga la dhigay ayaa waxaa kamid ah Maareeye ku-xigeenka shirkada isgaadhsiinta ee Ethiopian Telecom Mr Abraham Guade iyo Madaxa isgaarsiinta Bangiga ”Commercial Bank of Ethiopia Ephrem Mekuria”.

Baaritaano lagu sameeyay labada Mas’uul ayaa waxaa lagu ogaaday inay sameeyen falal hoos u dhigay dhaqaalaha Dowlada uga soo xaroon jiray Shirkada iyo Bangiga Dowlada.

Maareeye ku-xigeenka shirkada isgaadhsiinta ee Ethiopian Telecom Mr Abraham Guadem ayaa lagu eedeeyay inuu musuqay Gaadiid loogu tallo galay shirkada oo u dhexeeya 67 ilaa 70 gaari oo shirkadu ay laheyd, sida ay baahiyeen baarayaasha loo xilsaaray arrintaasi.

Madaxa isgaarsiinta Bangiga ”Commercial Bank of Ethiopia Ephrem Mekuria”, oo sanadihii 2012/2013 ahaa madaxa soo iibinta agabyada iyo madaxa maamulka Bangiga ayaa isna lagu eedeeyay inuu musuqay dhaqaale farabadan oo lagu soo iibinaayay agabka.

Labada Mas’uul ayaa ku dooday inaanu jirin cdeyn sax ah oo ay keeneen baarayaasha sidaa darteedna aysan jirin wax musuq-maasuq ah oo ay ku kaceen.

Sidoo kale, Qareenada labadan mas’uul ayaa dalbaday in damiin lagu sii daayo haseyeeshee waa laga diiday iyadoo diidmadaas lagu sababeeyay cabsi laga qabo inay caqabad ku noqdaan baaritaanka kiisaskooda lagu wado laa baqay inay.

Baarayaasha Booliska Federaalka ayaa ku adkeystay inay sii xirnaan doonaan labada mas’uul inta laga soo dhameystiraayo kiisaska iyo macluumaadka la xiriira musuqa labada mas’uul.

Geesta kale, Xariga iyo baaritaanka lagu ogaaday labada mas’uul ayaa imaaneysa xili dhawaan Ra’isul wasaaraha dalkaasi Hailemariam Desalegn uu shaaciyay in Dowladu ay go’aan ka gaari doonto mas’uuliyiinta caadeystay musuqa Hantida Qaran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com