Xildhibaan kulanka baarlamaanka ku xaadiray dhar uu ku caan baxay Hitler (Sawirro)

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Hindiya ayaa ka qeybgalay kalfadhi uu lahaa baarlamaankaas isaga oo xiran dharkii iyo astaamihii lagu yaqiinay hoggaamiyihii Jarmalka Adolf Hitler.

Naramalli Sivaprasad oo 67 jir ah ayaa sheegay in uu sidan u sameeyay si uu cabasho oga muujiyo balamo uu qaaday Ra’isulwasaare Narendra Modi oo uusan fulinin.

Ma ahan markii koowaad oo uu xildhibaankan isticmaalo gashiyo kala duwan si uu u muujiyo cabasho.

Mararka hore ayuu soo xirtay dharka Hindida wax ku caabudo iyo xitaa dhar dumar.

“Waxa aan samaynayo waa in aan soo jiito dareenka dadka si sahlan, taasna ay dadka ku kalifto in ay fikiraan” ayuu xildhibaanka u sheegay wariyaha BBC-da Ravi Shankar.

Ninkan oo horey u ahaan jirey atoore aflaamta jila ayaa kasoo galay gobolka Andhra Pradesh, wuxuuna ka tirsanyahay xisbiga gobolkaas maamula ee TDP.

Xildhibaan Naramalli ayaa ka cabanayay arrin ku saabsan in gobolka Andhra Pradesh la siiyo meeqaam gaar ah, kaas oo kordhin lahaa dhaqaalaha dowladda dhexe ay siiso gobolkaas.

Xisbiga uu ka tirsanyahay xildhibaankan ee TDP ayaa ku jiray isbahaysiga Mr Modi, balse sanadkan horaantiisii ayay isaga baxeen.

Markii la weeydiiyay sababta uu usoo xirtay dharka Hitler ayuu ku jawaabay “Aniga wax kasta oon sameeyo ujeeddo ayaan ka leeyahay, Hitler wuxuu ahaa qof aan talo qaadanin, islamarkaasna aanan ka shaqaynin wanaagga dadka”, hadalkaas ayaa loo fasirtay in uu ula jeedo Ra’isulwaase Modi.

Dharka Hitler waa mid caan ka ah dalka Hindiya, waxaana jecel dhalinyaro tiro badan, iyada oo xitaa buuggii uu qoray ee Mein Kampf si weyn loo iibsado.

Sanadkan horaantiisii ayaa waxaaba soo baxay buug carruurta ah oo lagu soo sawiray Hitler, arrintaas oo ka caraysiisay Yuhuudda.

Dadka ayaa siyaabo kala duwan oga falceliyay ficilada xildhibaanka, iyaga oo qaarkood ay dhaleeceeyeen, kuwa kalena ay ku maadsadeen.

ISHA BBC