Garsoorayaashi uu xilka ka qaaday FARMAAJO oo wax kama jiraan ka dhigay xil ka qaadistooda (Sawiro)

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo wareegto shalay kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo xilka looga qaaday Shan ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamada Sare ee dalka, ayaa waxaa arrintaasi ka hor imaaday Garsoorayaasha.

Garsoorayaasha waayay xilkooda ayaa sheegay in wareegtada Madaxweyne Farmaajo ay tahay mid aan loo marin sharcida.

Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamada Sare kana mid ahaa Garsooreyaashii xilka laga qaaday Maxamed Maxamuud (Dr luu), ayaa sheegay in xil ka qaadistooda aan loo cuskan qodobada sharciga waxa uuna tilmaamay in dhaliisha ugu badan ay tahay mid ay dusha ka saarayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha Maxkamada Sare.

Dr luu waxa uu arrin sharci daro ah ku tilmaamey xilka qaadista uu ku sameeyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxa uuna tilmaamay in xil ka qaadistooda ay ku qanci lahaayen waa haddii loo mari lahaa sharciga.

Dr luu, waxa uu sheegay in sababta xilka looga qaadi karo ay tahay in marka hore hadii ay dembi galeen ay baaritaano ku sameeyaan Guddiga Golaha Adeega balse xilligaan dalka uusan ka jirin guddigaas.

Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Anaga waxaa xilka ku weyn karnaa in Golaha Adeega Garsoorka ay baaritaano nagu sameeyaan hadii aan qalad galnay,markaas ayaa go’aan nagala gaari karaa laakin golahaas mar hore ayaa la baabi’iyey marka wax sharciyad ah kuma dhisna xilka nagala qaaday”

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha Maxkamada ay ka doonayaan inay cadeyn u keenaan sharciga ay u cuskadeen xil ka qaadistooda.

Si kastaba ha ahaate, Dr luu ayaa cadeeyay inaysan aqoon saneen go’aanka loo cuskaday xil ka qaadistooda, waxa uuna tilmaamay keliya inay ku qanci doonaan bayaaninta waxa loo cuskaday.