Sawirro: Xildhibaanada gaaray Afisyoone oo sii kordhaya iyo wararkii ugu dambeeyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee gaaraya Hoolka Afisyoone ayaa sii kordhaya, ayada oo maanta dhowr jid-gooyo loo dhigay inay u gudbaan teendhada oo ah xarunta ay ka dhaceyso doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

Xildhibaanada oo markii hore lagu celiyay iridaha hore ee garoonka ayaa qaarkood ku guuleysteen inay u soo gudbaan gudaha, ayada oo tirada xildhibaanada ku sugan Afisyoone ay kolba marka ka dambeysa sii kordhayaan.

Waxaa laga xusi karaa Xildhibaanada ku sugan goobta doorashada Xildhibaan Mahad Salaad, Xildhibaan Cabdullaahi Sanbaloolshe, Xildhibaan Jacfar, Xildhibaan Cabdi-saabir Shuuriye, Xildhibaan Dhuxulow, Xildhibaan Maxamed Macallimuu iyo Xildhibaan Firimbi, waxaana tirada ay hadda kusii siqeysaa boqol, ayada oo weli ay xildhibaano horleh galayaan xarunta.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa hadda la furay iridaha iyada oo meesha laga saaray inta badan culeysyadii ay maanta la kulmeen Xildhibaanada gudbay, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda uu buuxsami doono kooramka si ay u dhacdo doorashada.

Sidoo kale dadaalo kala duwan oo qeyb ka ahaayeen Madaxweynayaashii hore ee dalka ayaa meesha looga saaray inta badan jid-gooyadii iyo caqabadihii kala duwan ee ku gudbanaa Xildhibaanada si ay u gaaran hoolka doorashada ka dhaceyso.

Carqaladeynta u weyn ee lagu sameynayay Xildhibaanada ayaa waxay uga imaaneysay Ciidamada Booliska, oo Taliyahoodii uu xilka ka qaaday Wasiirka Amniga xukuumadda, kadib markii uu isku dayay in uu fara-gelin ku sameeyo doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ka daahday in la bilaabo waqtigii lagu ballamay, kadib markii xildhibaannada qaar aysan gaarin hoolka doorashada, balse xaalka hadda sidii hore waa ka roon yahay.

Waxaa weli jirta rajo ah in la qabto doorashada guddoonka Golaha Shacabka, waxaana goor sii horeysay Wariyeyaasha loo ogolaaday inay gudaha u galaan hoolka Afisyoone si ay doorashadaas ugu soo tabiyaan dadka Soomaaliyeed ee la socda.