25.8 C
Mogadishu
Saturday, July 19, 2025

Sawirro: Xildhibaanada raacsan XASAN oo soo bandhigay qorshahooda berri

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Soomaaliya qeybtooda mooshinka ka keentay Ra’iisulwasaaraha ayaa maanta shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotel Naasa-Habood2 iyagoo ka hadlay xaaladaha ugu danbeeya siyaasada dalka.

Xildhibaanadan ayaa sida ka muuqata sawirrada ay Caasimada Online kasoo qaaday kullanka ah kuwa aad u tiro badan.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeyee oo horana xilal wasaaradeed uga soo qabtay xukuumadihii hore ayaa u hadlay xildhibaanada isagoona soo hadal qaaday shirka berito ay xildhibaanadu ku balansan yihiin xaruntooda Muqdisho.

Maareeye wuxuu sheegay berito sidii horaba loo balansanaa in xildhinaanada loo qeybin doono mooshinka laga keenay Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya C/weli Sh.Axmed.

“Mooshinka markii la qeybiyo xildhibaanadu way aqrisan doonaan way ka doodi doonaan kadibna cod ayaa loo qaadi doonaa xukuumada”ayuu yiri Maxamed Cabdi Xair Maareeye

Mar uu ka hadlayay tirada rasmiga ah ee dhankooda ayuu sheegay inay gaarayaan 168 xildhibaan kuwaasoo sida uu sheegay diyaar u ah inay sharciga u hogaansamaan.

“anaga sida kuwa fowdada wada ma noqoneyno, sharciga inaan u hogaansano ayaan diyaar u nahay ,mooshinkana si sharci ah uga doodno kadibna cod u qaadno kalsoonida xukuumada” ayuu yiri Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Xildhibaankaan wuxuu muujiyay sida ay dhankooda uga go’an tahay inay kalsoonida kala laabtaaan Xukuumada jirta.

???????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????

- Advertisement -

Read more

Local News