Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta mar kale kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Somalia gaar ahaan kuwa diidan mowshinka kalsooni kala noqoshada ah ee laga keenay raisul wasaaraha dalka.
Waxaa kulankan uu ku soo aadayaa xili gudoomiyaha baarlamanka uu sheegay in maalinta beri ah uu fadhi yeelan doono baarlamanka kaasoo lagu qeybinayo mowshinka ka dhanka ah ra’isul wasaaraha.
Xildhibaanada diidan mowshinka ayaa markii uu soo dhamaaday kulan gaar ah oo ay yeesheen waxaa saxaafada la hadlay xildhibaan Cabdi Barre Jibriil oo Gudoomiye Jawaari u jeediyey eedeymo kala duwan.
“Bishan markii ay aheyd 19 gudoomiyaha baarlamanku wuxuu warqad u qoray xildhibaanada wada mowshinka sharci darada ah isagoo u sheegay in mowshinkan aan la keeni karin baarlamanka iyadoo aysan ka wada hadlin labada dhinac iyo gudoonka baarlamanka, hase ahaatee 15 saacadood ka dib wuu hadlay wuxuuna cadeeyey in mowshinka la keenayo maalinta Isniinta ah isagoo weliba hanjabaad ku daray” ayuu yiri xildhibaanka Cabdi Barre Jibriil.
Isagoo hadalkiisa soo wata ayuu sheegay in haddii ay yihiin xildhibaanada mowshinka diidan ay u arkaan hadalka gudoomiyaha baarlamanka mid sharciga qilaafsan isagoo ku eedeeyey Gudoomiye jawaari inuu si cad ula saftay xildhibaanada iyaga ka horjeeda ee mowshinka wada.
“Madaxweynaha Somalia, shacabka Soomaaliyeed beesha caalamka waxaan ku wargelinaynaa in maalinta beri ah wixii ka dhaca baarlamanka ay qaadi doonaan Madaxweynaha, gudoomiyaha Baarlamanka iyo xildhibaanada wada mowshinka sharci darada ah wada” ayuu yiri xildhibaan Cabdi Barre Jibriil.
Waxaa uu uu ugu baaqay gudoomiyaha baarlamanka inuu raali gelin ka bixiyo hanjaabada uu u soo jeediyey xildhibaanada diidan mowshinka, wuxuuna xusay in gudoomiyuhu uu xildhibaanada amar siin karo una hanjabi karo inta fadhiga lagu guda jiro, balse meel ka baxsan fadhiga uusan xildhibaan kale ugu hanjabi Karin.
“Waxaan aad uga xumahay in xildhibaanada naga soo horjeeda ee mowshinka wada ay maalin walba iyagoo afartan ama konton ah ku shiraan hotel saxaafadana ka sheegaan iney yihiin 170.
“Waxaan xog ku hayaa iney maanta ku shireen Hotel Naasa hablood-2 waxaa timid 67 xildhibaan waxay warbaahinta ka sheegeen iney yihiin 180, waxaan leeyahay xildhibaanadaas sharafta leh danta ummadda u shaqeeya shacabka Soomaaliyeedna ha arko cida dhibaatada wada, anaga waxaan diyaar u nahay inaan wadahadal la yeelano madaxweynaha, gudoomiyaha baarlamanka iyo xildhibaanada naga soo horjeeda” ayuu yiri xildhibaan Cabdi Barre Jibriil.










